Ashraf Ghani oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin lala sameynayo Taliban

Image

KABUL - Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin shuruud la'aan ah oo ay la galeen Taliban illaa iyo 20-ka bishan June, waxaana uu ku amray Ciidamada amaanka dalkiisa inay joojiyaan howlgallada ka dhanka ah Kooxdan.

Laakiin tani kuma jiraan kooxaha kale, sida Daacish oo weeraro dhiig badan uu ku daato ka fuliya dalkaan Aasiya ku yaala.

Ghani ayaa tibaaxay in dagaalka iyo rabashada Taliban aysan jiran wax faa'ido iyo guul oo ay ka helayaan, sidaas darteeda ay muhiim tahay inay nabada qaataan.

"Xabad-joojintaan waa mid fursad u ah Taliban, si ay u qiimeeyaan rabshadooda aysan guusha ku helayn, iyo astaan muujinaysa in dowladeena ay diyaar u tahay nabadda," ayuu Ghani yiri.

Go'aankan ayaa kusoo aadayaa iyadoo dhawaan goob ay ku kulmayeen Koox culimo ah oo soo saartey Fatwa ay ku macnuucayeen weerarada Taliban gaara ahaan Ismiidaaminta la beegsaday, lagana dilay 14 qof.

Illaa iyo hadda ma jirto wax jawaaba ah oo kasoo baxay Taliban, sidaasi si lamid ah ma jiro masuul kale oo ka tirsan dowlada Afghanistan, oo ku hadlay taasoo ka dhigan inaan leysku raacsaneen.

Laakiin, Janaraal Atiqullah Amarkhel oo ah taliye hore oo ciidamada Afghanistan, ayaa tilmamay in Xabad-joojintaan ay tahay mid dib umideyneysa Shacabka dalkaan.

Taliban ayaa ka dagaalamaysay Afghanistan tan iyo 1994, inkastoo ay taageerayaal dowlada dalkaan dalal Ajnabi ah, hadana awooda kooxdaan wali waa ay muuqataa, wallow guulo kooban laga gaaray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa joojiyay howlgalkoodii Afghanistan 2014, waxaana ay dhimeen Ciidamdoodii oo inta badan laga soo qaadey dalkaasi, iyadoo ay ka joogaan tiro yar oo tababar siiya Askarta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM