Askar lagu dilay Howlgalka Koonfurta Philippine

Image

Ugu yaraan 13 Askari oo kamid ahaa Ciidamada Marines-ka Philippine ayaa lagu diley Howlgalka ka dhanka ah Daacish, ee ka socda magaalada Marawi  ee Koonfurta dalkaasi.

Afhayeenka Ciidamada Militariga Philippine Jo-Ar Herrera ayaa sheegay in askarta ay ku dhinteen dagaal mudo 16 saacadood qaatey oo ka dhacay Jimcihii magaaladaasi Marawi.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku biiray howlgalka Marawi, oo billowday Labo Todobaad kahor, kaasi oo Ujeedkiisu yahay in laga sifeeyo magaalada dagaalyahano xiriir la leh Daacish.

Dad lagu qiyaasay  500 ilaa 1,000 oo qof ayaa ku xanniban magaalada gudaheeda, kadib markii ay Ciidamada Philippine iyo kuwa Mareykanka ay go’ddomiyeen maalmo kahor.

200 oo ruux, oo Askar ay ku jiraan ayaa ku dhintey dagaalka Marawi.

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa ku dhawaaqay May 24 Xaalad military iyo dagaal ka dhan ah Mintidiinta ku sugan Koonfurta Jaziirada Mindanao iyo Marawi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM