Askar lagu laayay dalka Afghanistan

Image

Ugu yaraan 5 askari oo katirsanaa Ciidamada dowladda Afghanistan ayaa lagu dilay weerar Taliban ay ku fuliyeen waqooyiga bari ee magaalada Kunduz.

General Abdul Hamid oo ah sarkaal katirsan Booliska Afghanistan ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalku yimid kadib markii xubno katirsan Taliban ay duuleen ku qaadeen saldhigooda magaaalda Kunduz.

Taliban ayaa sheegtay in weerarkaasi kula wareegeen saldhigga ciidamada Booliska magaalada Kunduz, sidoo kalena ay ku dileen askar badan oo halkaasi ka howlgalayay.

Dhinaca kale, Gen. Abdul Hamid ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada Imam Sahib ee gobolka Kunduz lagu dilay 18 xubnood oo kamid ahaa Ururka Taliban.

Wasaarada arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada cirka dalkaasi, oo beegsaday xaruumo ay Taliban ku abaabulayeen weeraro ka dhan ah dowladdaha.

Afghanistan waxaa la degay dagaallo intii ka dambeeyay duullaankii Mareykanka uu dalkaasi ku qaadey sanadkii 2001.

GAROWEONLINE


Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM