Askar lagu laayay dalka Afghanistan

Image

Ugu yaraan 5 askari oo katirsanaa Ciidamada dowladda Afghanistan ayaa lagu dilay weerar Taliban ay ku fuliyeen waqooyiga bari ee magaalada Kunduz.

General Abdul Hamid oo ah sarkaal katirsan Booliska Afghanistan ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalku yimid kadib markii xubno katirsan Taliban ay duuleen ku qaadeen saldhigooda magaaalda Kunduz.

Taliban ayaa sheegtay in weerarkaasi kula wareegeen saldhigga ciidamada Booliska magaalada Kunduz, sidoo kalena ay ku dileen askar badan oo halkaasi ka howlgalayay.

Dhinaca kale, Gen. Abdul Hamid ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada Imam Sahib ee gobolka Kunduz lagu dilay 18 xubnood oo kamid ahaa Ururka Taliban.

Wasaarada arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada cirka dalkaasi, oo beegsaday xaruumo ay Taliban ku abaabulayeen weeraro ka dhan ah dowladdaha.

Afghanistan waxaa la degay dagaallo intii ka dambeeyay duullaankii Mareykanka uu dalkaasi ku qaadey sanadkii 2001.

GAROWEONLINE


Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM