​Askari cunay 40 Mindiyood oo qalliin lagu sameeyay! [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Hindiya oo ka mid ah waddamada ugu badan dunida ee ka dhacaan Dhacdooyinka layaabka leh ayaa todobaadkii hore waxaa la baahiyay sawirro argagax leh kadib markii qalliin lagu sameeyay Askari katirsan Booliiska waddankaasi kaasoo lagu magacaabo Surjeet Singh.

42 jirkan kasoo muuqday Cusbital Corporate ee magaalada Amritsar, ayaa calooshiisa laga soo saaray 40 Mindiyood kuwaasoo liqayay muddo labo biloow ah, balse markii dambe ku keentay xanuun kallifay inuu u tago goob caafimaad.

Singh, ayaa kalkaaliyaasha caafimaadka u sheegay inuu ka dhibaatoonayo dhinaca caloosha, waxaana dhakhaatiirtu u direen Raajo (X-ray), taasoo keentay in shaashadda laga arko sawir aan noociisa la arag.

Ninkan oo muddo shan Saac ah ku jiray qaliin, ayaa lagu guulaystay in calooshiisa laga soo saaro tiro Mindiyo gaaraya 40 xabo taasoo keentay in su'aalo badan la weydiiyo xilli uu soo naaxay.

Wuxuu sheegay isagoo la hadlayay The Guardian,"Ma garan karo sababta igu kalliftay, lakiin waxaana i jiidanayay waxyaabo aan awoodi karin xakamaynteeda... Runtii waa ii macaanaatay markaan liqay tii ugu hoorraysay balse muddo kadib waxay ii noqotay caado, laakiin xannuun daran ayay igu keentay".

Surjeet Singh oo sii hadlayay ayaa sheegay inuusan dib ugu noqon doonin hadii uu ka bad-baaday halista adag ee uu naftiisa galiyay.

Dhakhtarka qalliinka sameeyay ayaa isna warbaahinta u sheegay in dhacdadan ay tahay markii ugu horraysay oo ay la kulmaan, isagoo xusay in xaaladdiisa caafimaad hadda kasoo raynayso.

Arrintan ayaa si aada todobaadkan looga falanqaynayay warbaahinta Caalamka kuwaasoo siyaabo kala duwan u fasiray dhacdadan uu kamid noqonaysa mucjisooyinka dalkaasi ka dhaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM