Australia: Saddex qof oo dhintay iyo dad la waayay

Image
Image
Image
Image

Inta la ogyahay waxaa dhintay saddex ruux tiro intaas ka badanna waa la la'yahay halka ay ku suganyihiin kadib fatahaado xooggan oo ka dhacay dalka  Australia.

Khasaaro xooggan ayaa sidoo kale soo gaaray qaybo kamid ah magaalooyinka waaweyne ee dalkaasi, waxaana bur-buray buundooyin iyo dhismooyin waaweyn.

Duufaanta ayaa wali ka dhacaysa koonfurta New South Wales, Victoria iyo Tasmania.

Roobab mahiigaano ah oo ka da’aya koonfurta ayaa kusii socda dhanka Queensland.

Dhul wayn oo go’ay ayaa fatahay, bulshada xeebta dagan ayay saamaynta u badan ku yeesheen dhibaatooyinka dhacaya.

Ilaa labaatan digniin oo fatahaado ah ayaa horay loo shaaciyay.

Boqolaal qof oo gobolo kala duwan ku nool ayaa lagu qasbay in ay guryahooda isaga tagaan.

Cimiladan xumaatay waxay hadda dhibka ugu badan ku haysaa jasiiradda Tasmania, halkaas oo wadooyin badan la xiray ilaa afar kun oo guryood ayaana koronto la’aan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM