Australia: Saddex qof oo dhintay iyo dad la waayay

Image
Image
Image
Image

Inta la ogyahay waxaa dhintay saddex ruux tiro intaas ka badanna waa la la'yahay halka ay ku suganyihiin kadib fatahaado xooggan oo ka dhacay dalka  Australia.

Khasaaro xooggan ayaa sidoo kale soo gaaray qaybo kamid ah magaalooyinka waaweyne ee dalkaasi, waxaana bur-buray buundooyin iyo dhismooyin waaweyn.

Duufaanta ayaa wali ka dhacaysa koonfurta New South Wales, Victoria iyo Tasmania.

Roobab mahiigaano ah oo ka da’aya koonfurta ayaa kusii socda dhanka Queensland.

Dhul wayn oo go’ay ayaa fatahay, bulshada xeebta dagan ayay saamaynta u badan ku yeesheen dhibaatooyinka dhacaya.

Ilaa labaatan digniin oo fatahaado ah ayaa horay loo shaaciyay.

Boqolaal qof oo gobolo kala duwan ku nool ayaa lagu qasbay in ay guryahooda isaga tagaan.

Cimiladan xumaatay waxay hadda dhibka ugu badan ku haysaa jasiiradda Tasmania, halkaas oo wadooyin badan la xiray ilaa afar kun oo guryood ayaana koronto la’aan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM