Baaritaanka Trump lagu hayo oo marxalad cusub galaya

Image

Qareennada madaxweynaha Maraykanka ayaa wadahadal la leh baareyaasha doonaya in ay su'aalo waydiiyaan madaxweynaha Maraykanka, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka ay waddo waaxda caddaaladda, sida ay wararku sheegayaan.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya qof uusan magcaabin oo ka ag dhaw madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay macquul tahay in Robert Mueller oo baaritaan wada uu su'aalo waydiiyo madaxweynaha toddobaadyada soo socda.

Qaryaqaannada Trump ma aysan xaqiijinin warkan.

Mueller ayaa baaritaan ku haya in wadashaqay ay dhex martay kooxdii Trump u qaabilsanayd ol'olahii doorashada Maraykanka ee sannadkii 2016 iyo Ruushka.

Xiisadda dhex taalla Muller oo ah dacwad oogasha khaaska ah ee baaritaanka ku haya in Ruushku uu farogalin sameeyay iyo madaxweynaha Maraykanka ayaa sare u kacday ka dib markii baaritaankaasi uu horseeday in dacwado lagu soo oogo dhawr ruux oo horay uga soo mid noqday kooxdii ol'olaha doorashada ee Trump.

Maamulka Trump ayaa diiday in ay wax wadashaqayn kala yeesheen Ruushka arrimo doorashada ku saabsan, madaxweynuhuhu wuxuu baaritaanka la wado ku tilmaamay "quraafaad".

Wargayska Post ayaa baahiyay in Mueller uu horay u soo bandhigay macquulnimada in uu su'aalo waydiiyo madaxweynaha oo ay la joogaan qareennadiisa John Dowd iyo Jay Sekulow dhammaadkii bishii Diseembar.

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM