Baarlamaanka Uganda oo u codeynaya muddo kordhin

Image

Baarlamaanka Uganda ayaa lagu wadaa in maanta uu cod u qaaddo in meesha laga saaro xadidaadda da'da madaxweynaha.

Dhanka kale xildhibaannada dalkaasi ayaa isku mari la' in isbedel dastuurka lagu sameeyo si loo kordhiyo muddo xileedka xubnaha baarlamaanka.

Dadka dhaliilsan in meesha laga saaro xadidaadda da'da ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaasi Yower Museveni uu doonayo inaanu weligii xilka baneyn.

Codeynta maanta ayaa kusoo beegmaysa ayadoo xildhibaannada mucaaradka ah ee Uganda ay sheegeen in shalay ay dhismaha baarlamaanka ku sugnaayeen askar ka tirsan milateriga dalkaasi, taasina ay ku dhalisay walaac dhanka ammaanka ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Rebecca Kadaga, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaasi.

Xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha isbedelka loogu samaynayo dastuurka ay ku doonayaan in madaxweyne Yoweri Museveni uu u tartamo doorashada Uganda ka dhici doonta 2021-ka.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale maantau codeyn doona in la kordhiyo mudada ay xilka hayaan, oo laga dhigo todoba sano halka ay hadda ka tahay shan sano.

Balse dadka dhaliilsan qorshahaasi ayaa sheegaya inuu muujinayo xukun jaceylka xisbiga talada haya iyo cabsida uu ka qabo doorashooyinka, sidoo kalena lagu abaalmarinayo mudanayaasha taageersan meesha ka saaridda da'da madaxweynaha.

Balse xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in muddo kordhinta ay xildhibaannada u sahlayso inay waqti wanaagsan u helaan hormarinta deegaannadooda.

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM