​Bambaanooyin Sun ah oo lagu tuuray Xalab

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sheegaya inay liidato xaaladda caafimaad qaar kamid ah dad ay soo gaartay waxyeello uga timid bambaanooyin Sun ah oo lagu tuuray goobo ay ku suganyihiin fallaagada dagaalka kula jirta xukuumadda Baashar Al Asad.

Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee ku sugan qaybta ay fallaagadu gacanta ku hayso ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya, ayaa sheegay in diyaarado qummaati u kaca oo dowladdu leedahay ay ku duqeeyeen magaalada haamo ay ku jirto neefta sunta ah ee chlorine.

Qof ku sugan bariga magaalada Xalab ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay boqol iyo labaatan kalena ay ku waxyeelloobeen. Dowladdu waxay dib u cusboonaysiisay go'doomintii buuxday ee ay ku haystay Xalab, Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Suuriya uu haatan ka taaganyahay dagaal ba'an oo soo laba kacleeyay.

Bishii hore ayay ahayd markii dhowr carruur ah u geeriyoodeen waxyeello kasoo gaartay bambaanooyin loo malaynayo inay ahaayeen Sun oo lagusoo tuuray kooxaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Xalab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM