​Ban Ki-moon oo baaq u diray Madaxda Somalida

Image

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda Madasha Hogaanka Qaranka ee Somalia inay xal u heleen Musuq-maasuqa ka dhacay doorashada kuraasta qaar ee Baarlamaanka cusub kuwaasoo labo maalin ka hor lagu dhaariyay magaalada Muqdishu.

Ban Ki-moon ayaa yiri, "Hogaamiyaasha Somalia waa inay qaadaan tallaabooyin lagu saxayo qaladaadkii ka dhacay Doorashada Baarlamaanka, si loo dhowro kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada."

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon wuxuu soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaanada cusub, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhamaystiro Kuraasta ka harsan Labada Aqal ee Baarlamaanka cusub.

Ban Ki-moon ayaa ka codsadey Baarlamaanka inay dhamaystiraan Dastuurka qabyo-qoraalka ah, si afti dadweyne loogu ansixiyo, loona gaaro Doorasho qof iyo cod sanadka 2020, kadib markii uu dhamaado waqtiga dowladda cusub ee hadda dhisamaheeda uu socdo.

Wuxuu sheegay in QM ay isha ku hayso Hanaanka Doorashada Somalia, gaar ahaan cabashooyinkq shacabka ee la xiriira Musuq-maasuq, handadaada iyo wax-isdaba-marinka ay sameeyeen musharaxiinta Kuraasta Aqalka hoose.

Ban Ki-moon ayaa ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka, tallaabo wanaagsan oo oo horseedi karta deganaansho Siyaasadeed iyo mid amniga oo ka hirgala guud ahaan dalka Somalia.

Beesha caalamka ayaa dhawaan soo saartey War saxaafadeed ay ku sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin Go'aankii kasoo baxay Shirkii Madasha ee ku aadanaa kordhinta xubnaha aqalka sare iyo Shahaado siinta Xildhibaanadii laga saarey liiska Baarlamaanka ee 11-ka gaaraya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM