​Ban Ki Moon oo booqday qaxootiga Giriiga

Image
Image
Image
Image

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon, ayaa maanta booqday xero qaxooti oo ku taalla Jaziiradda Lesbor ee dalka Giriigga, wuxuuna u kuurgalayay xaaladda dadka halkaasi ku nool.

Mr Ban, ayaa sheegay inaysan wali harin dhibaatada haysata muhaajiriinta, wuxuuna dowladdaha waddamada Qaxootigu joogaan ka dalbaday in la ilaaliyo shuruucda caalamiga ah ee Qaxootiga isagoo soo jeediyay in si wanaagsan loola macaamilo.

Dalalka Yurub ayuu u soo jeediyay inaysan xudduudaha ka xiran qaxootiga islamarkaana soo dhaweyn u sameeyaan, isagoo ku baaqay in kaalin laga qaato sidii loo caawin lahaa dadka dhiban.

Dalka Gariiga ayaa noqday marinka ugu weyn ee ay isticmaalaan muhaajiriinta ka soo qaxaya colaadaha Suuriya iyo Ciraaq, kuwaasoo doonaya inay galaan dalalka Yurub.

Socdaalla Ban, ayaa kusoo beegmaysa xilli 20 bishan dunida ka dhici doono dabaal dagyo waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM