​Ban Ki-Moon oo tagay Burundi

Image

Xoghayaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, ayaa tagay dalka Burundi, isagoo qorshaynaya inuu ka qayb qaato dadaallada lagu soo afjarayo qalalaasaha waddankaasi kataagan tan iyo bishii April sannadkii hore. 

Ban iyo wafdigiisa, ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay caasumadda Bujumbura, waxaana soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka labaad Gaston Sindimwo. 

Waxaa maanta la filayaa inuu kulamo la qaato hogaanka waddanka gaar ahaan Madaxweyne Peirre Nkurunziza, si uu uga qanciyo inuu ka qayb qaato xal laga gaaro muranka ka dhashay iclaaminta murashaxnimada doorashadiisa Burundi markii saddexaad. 

Boqolaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan rubuc milyan qofna waxay ka barakaceen Burundi, ka dib rabshado ka dhashay go'aankii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza ku gaaray bishii April.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo afar hoggaamiye Afrikaan ah ayaa Burundi tagaya Khamiista, si cadaadis loo saaro Mr Nkurunziza. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM