Bandaw lagu soo rogay magaalo Maraykanka ku taala

Image

Xaalad dagdag ah iyo hal todobaad oo bandaw habeenkii ah ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Baltimore si loo dajiyo mudaaharaadyada halkaasi ka taagan.

Qaar ka mid ah saraakiisha magaaladaasi ayaa sheegay in rabshadaha dhacay ay yihiin kuwii ugu darnaa tan iyo mudaaharaadyadii dabo socday shirqoolkii lagu dilay Martin Luther King, sanadkii kun sagaal boqol iyo lixdan iyo sideedii.

Duqa magaalada Baltimore, Stephanie Rawlings waxa ay cambaaraysay waxa ay ugu yeertay burcadda wax bililiqaysatay, wax burburiyay, dhismayaashana dabka qabadsiiyay kaddib aaskii Freddie Gray, oo ah shan iyo labaatan jir madaw Maraykan ah, kaas oo si xun ugu dhaawacmay saldhig booliis.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM