​Bangladesh: 20 ku dhimatay weerar makhaayad lagu qaaday

Image

Milateriga Bangladesh ayaa sheegay in labaatan qof ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda Dhaka.

Milateriga ayaa intaa raaciyay in 6 ka mid ah kooxdii weerarka geysatay isla goobta lagu dilay.

Mid ka mid ah kooxdii weerarka fulisay ayaa noolal lagu qabtay.

Weerarkan waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Ra'iisul wasaaraha dalkaasi, Sheikh Hasina, ayaa wacad ku martay in ay dalkeeda ka tirtireyso argagixisada.

Dableyda ayaa maqaayada gashay habeennimadii Jimcaha, waxaana ay halkaasi dad ku haysteen saacado badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM