Baraf ka da'aya Maraykanka oo xaalad dag dag ah abuuray

Image

Washington DC: Xaalad dag-dag ah ayaa looga dhawaaqay qaybo kamid ah Bariga dalka Maraykanka kadib markii uu bilowday baraf la sheegay inuu da'ayo ilaa soddonka saacadood ee soo socda.

Magaalada Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo goobo kale, waxaa laa joojiyay isusocodka gaadiidka, diyaaradaha, waxaana islamaanta la hakin doonaa socodka Tareenada.

Barafkan oo dabaylo wata ayaa lasoo warinayaa inuu saamayn doono in kabadan 80 malyuun oo Maraykanka ah, kuwaas oo lagu wargaliyay inaysan kasoo bixin guryahooda.

Ciidamada dalkaas ayaa heegan la galiyay si ay qayb uga qaataan gurmadka hay'adaha gargaarka iyo dowladda hoose ee Bariga dalka Maraykanka.

Saraakiisha dhinaca cimilada ayaa sheegaya in barafkan da'aya uu koronto la'aan dhigi doono dad badan.

Ilaa hadda majirto wax khasaaro ah oo dabaylaha iyo barafka dalkaas gaysteen, marka laga reebo cabsida laga qabo waxyeelo soo gaarta shacabka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM