Barlamanka Burundi oo ka doodaya qorashaha Midowga Africa

Image

21 December, 2015(GO)-Barlamanka Burundi ayaa maanta la isugu yeeray kulan dag dag ah oo looga doodayo qorsha Midowga Africa damacsanyihiin ee ah in askar gaaraysa 5 kun dalkaas loo geeyo nabad ilaalin.

Xukuumadda Bujumbura ayaa loo qabtay muddo dhan afar bari in arrintaas go'aan uga soo gaaraan.

Hadallo kala duwan oo ka soo baxay dowladda Burundi ayaa lagu muujiyay sida aysan raali uga ahayn in lakeeno dalkeeda ciidamo ilaalinay nabad galyada shacbiga, waxaana afhayeen u hadlay madaxwenaha dalkaasi uu sheegay inuusan Midowga Africa qorshe gaari karin ilaa latashi lagala yeesho hogaanka dalkaasi.

Waxa u arkaan in madaxbanaanidooda wax loo dhimayo, afhayeenka ayaa sheegay inay yihiin dowlad si sharci ah loo soo doortay nidaam kasta oo dalkaasi lagu faro galinayana aysan ogolaan doonin ilaa madaxda dalkaasi fasaxaan.

Hasayeeshee Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn berri oo Talaada ah ka doonaya xukumadda Burundi in ay bixiso ogolaanshaha ciidammadani lagu gaynayo dalkaasi.

Go'aanka Barlamanka ee maanta ayaase loo dhagtaagaya, waxaana xukuumaddu raaci doonta tallaabada ay qaadaan golaha sharci dajinta dalkaasi.

Xaaladda dalkaasi ayaa bilooyinkii dambe kasoo daraysay, waxaana ka socda rabshado galaaftay nolosha dad badan oo shacab iyo mas'uuliyiin isugu jirta, arrintan ayaana ka dhalatay kadib markii madaxweynaha dalkaasi iclaamiyay inuu xilka u tartamayo markii saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM