BARMA: Hogaamiyaasha rayidka ah oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa maanta muddo dhan 50 sano kadib dalkaasi ka dhacday xaflad taariikhi ah oo xilka loogu dhaarinayay madaxweynaha Rayidka ah ee dhawaan la doortay, waxaana dalkaasi u furmay taariikh cusub sida laga soo xiganayo wakaaladaha wararka iyo siyaasiyiinta dalkaasi Myanmar.

Hogaamiyaha 70-sano jirka ah Htin Kyaw iyo labadiisa ku-xigeen Myint Swe iyo Henry Van Tio si rasmi ah loogu dhaariyay xilalkooda, waxayna sheegeen inay u shaqayn doonaan qaab daacadnimo ah islamarkaana dalka ka saari doonaan xukunkii adkaa ee soo bilowday 1962-dii.

Htin, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay, ayaa tilmaamay inuu wax kabadali doono dastuurka dalkaasi oo kuraasta ugu badan siinaya ciidamada iyo wasaaradaha muhiimka ah sida; Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha.

Dadka rayidka ee dalkaasi Barma, ayaa soo dhaweeyay guulaha laga gaaray millateriga dalkaasi, waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan xukuumadooda cusub.

15-kii bishan March, ayay ahayd markii mas'uuliyiinta xilka loo dhariyay guulo muhiim ah gaareen iyagoo markaasi ku tartamaya xisbiga Dimuqraadiga dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM