​Barrow oo lagu caleemo saarayo Senegal iyo shacabka Gambia oo qaxay

Image
Image
Image

Madaxweynaha ku guulaystay doorashadii sannadkii hore ka dhacday dalka Gambia Adama Barrow, ayaa sheegay in caleemo saarkiisu maanta ka dhacayo Safaaradda dalkaas ee ku leeyahay Senegal.

Qoraal kooban oo xalay saq dhexe soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu sheegay in dalkaasi ka bixi doono waqtigii madoobaa islamarkaana isaga uu yahay madaxweynaha rasmiga ah.

“Waagii cusubaa ee Gambia waa uu yimid ugu dambeyn” ayuu yiri Barrow.

Caleemo saarka ayaa markii hore lagu waday in maanta ay ka dhacdo caasimadda dalka Gambia ee Banjul, kadib markii uu Barrow ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday 01 December, 2016.

Jammeh, ayaa doorashada kadib aqbalay natiijada inkastoo dib iska badalay oo uu xusay in doorashada lagu shubtay isagoo wacad ku maray inuusan xilka wareejin doonin oo dalkaas muddo dheer xukumi doono.

Dhan kale, wararka aan ka helayo caasumadda dalka Gambia, ayaa sheegaya inuu socdo qax xooggan oo dadka dalkaasi ugu safrayaan waddamada dariska ah iyagoo ka cabsi qaba dagaal dalkaas ka qarxa.

Dadka ka cararaya Magaalada Banjul, = waxaa ku jira shisheeyaha dalxiis  ku joogay dalkaasi, waxaana Arbacadii mashquul xoog leh laga dareemay Garoonka ugu weyn caasumaddaas.

Barakacayaasha, ayaa tagay waddamada Senegal iyo Nigeria, inkastoo xuduuda ay joogaan ciidamo sugaya amniga.

Dalalka Afrikada dhexe ayaa ku guul darraystay in Madaxweyne Yahye Jammeh ku qanciyaan inuu baneeyo kursiga oo ku wareejiyo hogaamiyaha mucaaradka ee doorashada uga adkaaday.

Waddamada qaybtood, waxay soo jeediyeen in xoog awooda looga qaado Madaxweynaha waqtiga dheer soo xukumayay Gambia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM