Bayaan golaha amniga ku durayo Israel oo la hor-istaagay

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa hor-istaagay bayaan wada jir ah oo ka soo baxay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo ku baaqayay xabad joojin u dhaxeysa Israel iyo Xamaas.

Waa markii seddexaad laba asbuuc gudahiisa kadib kulan ay hay'ada ugu sareysa UN-ka yeelatay Axadda, sida ay warisay The Times of Israel oo soo xiganeysa laba illo wareedyo diblomaasi.

Afar iyo toban ka mid ah 15 xubnood ee Golaha ayaa taageeray soo saarista bayaan wadajir ah ka dib shirar deg deg ah Isniintii, Arbacadii iyo Axaddii.

War-saxaafadeedka wadajirka ah lama soo saarin sababo ku aadan diidmadda qayaxan ee xukuumadda Washington. Wararku waxay xusayaan in bayaanka soo bixi karo Isniinta maanta ah.

Mareykanka ayaa ku gacan seyray dadaalada xabad-joojinta intii lagu jiray labadii kulan ee hore wuxuuna taa badalkeeda dalbadey "in waqti dheeraad ah loosii siiyo talaabooyin diblomaasiyadeed".

Bayaanka wadajirka ah wuxuu ku baaqi lahaa xabad joojin deg deg ah, sidoo kale wuxuu cambaareyn lahaa Israel iyo Xamaas si gaar ah doorkooda waxa loogu yeeray "rabshadaha".

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wargeyska Israel in Washington "ay diirada saartay dadaalada xoogan ee diblomaasiyadeed ee socda" markii la weydiiyay in Mareykanku uu taageeri doono bayaanka wadajirka ah.

Kulankii Axadii, wakiilka Mareykanka ee Qaramadda Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa ugu baaqday Xamaas in ay si deg deg ah u joojiso gantaalada ay ku garaaceyso Israel.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken horaantii Axada wuxuu adkeeyay in la joojiyo rabshadaha, hadana kuma uusan guuleysan inuu soo saaro baaq cad oo ah xabad joojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM