BBC oo cabasho u gudbisay Djibouti

Image

BBC ayaa warqad cabasho ah u qortay dowladda Djibouti oo ay uga codsanayso inay sheegto sababta ay u soo musaafurisay koox weriyayaal ah oo BBC-da ka tirsan.

Kooxdani, oo uu ka mid ahaa weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka ee Africa, Tomi Oladipo, ayaa Djibouti u tegay inay diyaariyaan warar la xiriira doorashooyinka halkaasi ka socda. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad u tartamaya jagada madaxweynaha Djibouti.

Kooxdan ayaa waxaa fasaxay agaasimaha warbaahinta ee dalka Djibouti oo u oggolaaday inay ka soo warramaan dalkaasi, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay BBC-da. 

Kooxdan ayaa wareysi la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yusuf, iyo musharraxa mucaaradka, Cumar Cilmi Kheyre, kaddibna waxaa xiray rag ka tirsan ciidanka ammaanka oo xirnaa lebiska rayidka. 

Kooxdan ayaa habeenkii oo dhan la haystay, iyagoo aan loo oggolaanin inay wax xiriir ah sameeyaan, kaddibna, diyaarad ayaa la soo saaray oo dalka ayaa laga soo musaafuriyay, iyadoo aan loo sheegin sababta.

Xigasho: BBC

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM