​Beesha Caalamka oo Baaq u dirtay Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha caalamka ayaa ka hadashay wadahadalkii burburey ee Galmudug iyo Ahlu Sunna, kadib xilli ay baaq kasoo saareen khilaafka u dhaxeeya labada dhinac iyo Doorashada Cadaado.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen QM, AU, EU, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, USA ayaa loogu baaqay Galmudug iyo Ahlu Sunna inay ka heshiiyaan Khilaafka, islamarkaana ay dhisaan maamul ay ku midaysan yihiin.

Beesha caalamka waxay soo dhawaysay isku-dayga Wadahadalka istaagan, oo ay ku tilmaameen tallaabo dhanka dib u heshiisiinta loo qaadey, waxaana ay ku booriyaan labada dhinac inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in amniga iyo horumarka gobollada dhexe uu ku jiro in la helo maamul ay ku midaysan yihiin Ahlu Sunna iyo Galmudug, lagana gudbo khilaaf mudada soo jiitamayay.

Beesha caalamka waxay niyad jab ka muujiyeen Wadahadalka istaagay, waxayna ugu baaqeen ina dhinacyada muujiyeen kalsooni, tanaasul iyo inay kawada shaqeeyaan danaha shacabka ay matalaan.

Ugu dambeyn, waxaa loogu baaqay Ahlu Sunna iyo Galmudug inay ka fogaadaan wax-kasta oo dhabar-jab ku ah dadaallada dib u heshiisiinta, ay garwadeenka ka yahay dowladda Federaalka ah ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM