Biden oo hakiyay hub ka iibinta ee Sacuudiga iyo Imaaraadka

Image

NEW YORK, USA – Mareykanka ayaa dib-u-eegis ku sameynaya hub uu madaxweynihii hore Donald Trump uu amray in laga iibiyo Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta balse xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda Antony Blinken uu ku sifeeyay "mowqifka maamulka cusub ee Donald Trump".

Blinken oo Arbacadii kasoo muuqdey shirkii jaraa'id ee ugu horeeyay ayaa tibaaxay in dib-u-eegista ay salka ku hayso "si loo xaqiijiyo waxa ay tixgelineyso ahmiyadaha istaraatiijiyadda iyo siyaasadyadda arrimaha dibadda".

"Taasi waa waxa aan waqti xaadirkan ku howlanahay," ayuu u sheegay wariyeyaasha qaar kamid ah warbaahinta caalamka.

Jariiradda afka dheer ee The Wall Street Journal ayaa horaantii Arbacada waxay baahisay in maamulka Joe Biden uu si ku meelgaar ah u hakiyey balaayiin doolar oo hub looga iibinayo labadan dal ayna kamid tahay diyaaradaha dagaalka F-35 oo Imaaraadka laga beecinayo iyo rasaasta qoryaha ku xiran diyaaradaha dagaalka oo qorshuhu ahaa in boqortooyadda Sacuudi Carabiya laga beeciyo.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa hal todobaad kadib markii la dhaariyey Biden, oo balanqaadey "dib-u-qiimeynta" xiriirka Washington iyo Riyadh. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuu saxiixay digreetooyin uu dib ugu qaabeeyay ama ku laayay siyaasadihii ugu muhiimsanaa ee maamulkii Donald Trump.

Trump ayaa ku taageeray Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ololahooda ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Bishii May, 2019-kii, madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg oo heer qaran ah sababo ku aadan xiisadda kala dhaxeysa Iiraan, isaga oo hadafkiisu ahaa in uu hub ka iibiyo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Maamulkii Trump ayaa bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2020 amar wuxuu ku bixiyey in aduun lacageed dhan 290 milyan doolarka Mareykanka looga iibiyo Sacuudiga rasaasta qoryaha yar-yar ee diyaaradaha ku xiran. Balse, hadda Biden wuu hakiyey iibinta isaga oo xayiray lacagtaas aadka u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM