Biden oo qaadey xayiraadii socdaalka Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha cusub ee waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa wuxuu qalinka ku duugay 15 amar-fulineed kuwaas oo ay ku jirto in dalalka ay Soomaaliya kamid tahay laga qaado xayiraadda socdaalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayuu faray in ay bilowdo ajiibitaanka dalabyadda fiisaha ama dal-ku-galka ee wadamadaas.

Wadamaddan dadka ku nool ay badankooda Muslimiin yihiin ayaa kala ah; Syria, Iiraan, Ciraaq, Suudaan, Liibya, Somaaliya iyo Yemen.

Maamulkii Donald Trump ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017—kii soo rogay xayiradaas oo ahayd talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaadey isla markii uu xafiiska kala wareegay dimuqraadi Barrack Obama.

Dad badan ayaa talaabadaas ku sifeeyay beegsi uu Trump ku sameynayo wadamada Muslimiinta, isaga oo cuskanaya cabsi amni.

Soo afjarida talaaban dad badan ka curyaamisay safaro ay ku tagi lahaa Mareykanka ayaa kamid ahayd balan-qaayadii uu Biden sameeyay intii uu ku guda jira ololaha doorashadda madaxtinimada Mareykanka.

Dhanka kale, Biden ayaa laalay isku-daygii Trump ku doonayey in dadka aan Ameerikaanka ahayn aan lagu darin tirokoobka. Tani waxay saameysay metelaada baarlamaanka iyo qoondeynta lacagta dowlada dhexe bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM