Blatter oo loo doortay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta aduunka

Image

Waxaa doorashada madaxweyne ee xiriirka kubada cagta ee aduunka ku guulaystay Mr Blatter.

Amiir Cali bin al-Xuseen, oo u dhashay dalka Urdun, ayaa ahaa qofka keliya ee la tartamayay Mr Blatter, waxa uuna tartanka isaga haray wareegii labaad.

Waxa uu helay codod dhan 73 wareegii koowaad ee doorashada oo ka dhacday magaalada Zurich, taa oo keentay in wareeg labaad lala galo madaxweynaha talada hayay Sepp Blatter.

Mr Blatter ayaa xilkan loo doortay markii shanaad, iyadoo ay jirto fadeexo musuq oo hareysay hay’adaasi toddobaadkan.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM