Boko Haram oo dad ku dishey gudaha dalka Chad

Image

February 14, 2015 (GO)- Dagaalyahano ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Boko Haram oo fadhigeedu yahay dalka Nigeria ayaa goor hore oo saaka ah weeraray tuulooyin ku teedsan daafaha harada Chad.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Boko Haram ka fuliso gudaha dalka Chad laga soo bilaabo markii dowlada Chad boqollaal ciidankeeda ah usoo dirtey Nigeria, si ay qayb uga noqdaan dagaalka kooxdaas ka dhanka ah.

Qof ka gaabsadey in magaciisa la baahiyo ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in weerarka ugu yaraan 10 qof oo dhammaantood rayid ahaa lagu diley islamarkaana lagu gubey tobanaan guri oo ku yaaley tuulada Ngouboua.

Shir-madaxeedkii dalalka Midowga Afrika ee labo todobaad kahor kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa, waxaa lagu go'aamiyey in ciidamo gaaraya 7,500 oo askari loo diro dalka Nigeria, si ay dowlada dalkaas gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda Boko Haram.

Weerarada Boko Haram, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE + AFP

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM