Booliiska Iiraan oo xiray nin u eg Messi

Image

Booliis ayaa xiray Arday reer Iiraan ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.

Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay sawirro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaarigiisiiba geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo arruuray ninkan.

Mushkiladda ayaa billaabatay billooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawirro ku galo funaanadaha uu ku dheelo Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee uu ku dheelo.

Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas ka dibna billaabay in uu timaha u jarto sida Messi garkana sii daysto.

Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan Messi-gii reer Iiraan ayna doonayaan in aan matalo waxkaste oo uu sameeyo. Marka uu meelaha tagana ay dadku aad u yaabaan.

"Waan ku faraxsanahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana dhiirigalin badan ka helaa".

Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin dhar ayuuna helay.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu baranayo xeelado kubadeed si uu ugu sii ekaado Messi.

BBC


Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM