Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Image
Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

Ottawa (GO) - Booliiska Kanada iyo Maraykanka ayaa xiray lix qof waxayna baadigoob ugu jiraan saddex kale oo lala xiriirinayo xatooyo Dahab iyo lacag caddaan ah oo ku kaca $16 Milyan oo Dollar ah, kuwaas oo laga dhacay mid ka mid ah baabuurta shirkadda Air Canada sannadkii hore.

Mas'uuliyiinta ayaa dhacdadan ku tilmaamay dahabka ugu badnaa taariikhda Kanada ee la dhaco waxaana lagu tuhmay shaqaale ka tirsan shirkadda Air Canada, kuwaas oo sameeyay dukumintiyo been abuur ah oo u suurtagaliyay in ay Dahabka la baxsadaan.

Booliska ayaa intaa ku daray in dahabka la xaday laga yaabo in la dhalaalay oo la qaabeeyay, taasi oo adkayneysa in gacanta lagu soo dhigo, Booliska ayaa sidoo kale helay ilaa 65 qori oo ay baarayaashu ku eedeeyeen in lagu soo iibiyay dhaqaalihii ka soo xarooday dhaca.

Ka dib xatooyada, shirkadda adeegga gaadiidka iyo amniga ee fadhigeedu yahay Miami ee Brinks ayaa dacwad ka gudbisay Shirkadda diyaaradaha ee Air Canada bishii Oktoobar, iyada oo ku eedeysay "dayacaad”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM