Booliska Masar oo rasaas ku furey dibad-baxeyaal

Image

January 27, 2014 (GO)- Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey caasimada dalka Masar ee Qaahira tobanaan kalena way dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen booliska iyo dibad-baxeyaal dhigayey mudaaharaad ka dhan ah xukuumada Madaxweyne al-Siisi.

Booliska ayaa rasaas ku furay dibad-baxeyaasha oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah dowladda iyagoo sidoo kale watey boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay taageero ugu muujinayaan Madaxweynihii hore ee la ridey Muxamad Mursi. Dadka dhintey ayaa isugu jirey qof dumar ah iyo labo nin oo dhallinyaro ah, sida laga soo xigtey laamaha caafimaadka. 

Dhanka kale waxaa habeenimadii xalay korontada laga jarey qaybo kamid ah magaalada Qaahira, gaar ahaan xaafada Madriyah oo ku taalla dhanka waqooyiga, halkaasoo ah goobta shalay badi dibad-baxyadu ka dhaceen.

Arbacadii lasoo dhaafey ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamada ammaanka ee dalka Masar u dileen 12 qof oo rayid ah. Dadka la laayey ayaa qayb ka ahaa kumanaan qof oo kasoo horjeeda inqilaabka militeriga oo isugu soo baxay jidadka magaalada caasimada ah ee Qaahira, si ay u xusaan sanadguuradii afraad ee kasoo wareegtey kacdoonkii 25-ka January.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa mar sii horeysey walaac ka muujisey qaabka ay boolisku ula macaamilaan dadka dibadbaxa dhigaya, iyadoo sheegtay inay jiraan cadeymo muujinaya in si bini aadamnimada ka baxsan loola dhaqmey dad mudaaharaadyo silmi ah dhigayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM