Booliska Masar oo rasaas ku furey dibad-baxeyaal

Image

January 27, 2014 (GO)- Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey caasimada dalka Masar ee Qaahira tobanaan kalena way dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen booliska iyo dibad-baxeyaal dhigayey mudaaharaad ka dhan ah xukuumada Madaxweyne al-Siisi.

Booliska ayaa rasaas ku furay dibad-baxeyaasha oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah dowladda iyagoo sidoo kale watey boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay taageero ugu muujinayaan Madaxweynihii hore ee la ridey Muxamad Mursi. Dadka dhintey ayaa isugu jirey qof dumar ah iyo labo nin oo dhallinyaro ah, sida laga soo xigtey laamaha caafimaadka. 

Dhanka kale waxaa habeenimadii xalay korontada laga jarey qaybo kamid ah magaalada Qaahira, gaar ahaan xaafada Madriyah oo ku taalla dhanka waqooyiga, halkaasoo ah goobta shalay badi dibad-baxyadu ka dhaceen.

Arbacadii lasoo dhaafey ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamada ammaanka ee dalka Masar u dileen 12 qof oo rayid ah. Dadka la laayey ayaa qayb ka ahaa kumanaan qof oo kasoo horjeeda inqilaabka militeriga oo isugu soo baxay jidadka magaalada caasimada ah ee Qaahira, si ay u xusaan sanadguuradii afraad ee kasoo wareegtey kacdoonkii 25-ka January.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa mar sii horeysey walaac ka muujisey qaabka ay boolisku ula macaamilaan dadka dibadbaxa dhigaya, iyadoo sheegtay inay jiraan cadeymo muujinaya in si bini aadamnimada ka baxsan loola dhaqmey dad mudaaharaadyo silmi ah dhigayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM