Booliska oo goobaya dabley kadib toogasho gilgishay caasimada Austria

Image
Image
Image
Image
Image

VIENNA, Austria - Laba qof ayaa la xaqiijiyey in la dilay, tirro kale oo sarkaal boolis uu ku jiro waxaa soo gaarey dhaawac markii dabley hubeysan ay weeraro ka fulisay lix goobood kala duwan caasimada Austria ee Vienna.

Taliska booliska oo sheegay in uu baadigoobayo dableyda ayaa tibaaxay in toogashada ay ka qaraxdey fagaaraha Seitenstettengasse ee bartamaha magaalada halkaasoo kooxaha hubeysan ay rasaasta ka bilaabeen.

Qaar kamid ah dableyda ayaa dad ku tooreeyay basas. Haweenay ku dhaawacantay weerarka waxaa kalkii dambe lasoo wariyey in ay dhimatay. Dadka waxaa lagu wargeliyey in aysan raacin gaadiidka dadweynaha.

Hogaamiyaha waddankaas, Sebastian Kurz oo cambaareeay weerarkan, ayaa wuxuu ku qeexay "mid salka ku haya feker argagixisanimo ah".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warisay in bartilmaameedka weerarada uu ahaa goob macbad u ah Yahuuda. Hasayaashee, hogaamiyaha bulshadda Israa'iil wuxuu sheegay in aysan hubin hadii hadafka uu ahaa xafiisyadooda.

Madaxda wadamada Yurub ayaa durba bilaabay in ay cambaareeyay weerarkan, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay gara taagan yihiin dadka Austria.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, muddooyinkii u dambeeyay waxay Yurub wajaheysay weeraro noocaan ah markii madaxweynaha France, Emmanuel Macron uu u gefay Islaamka.

Macron oo si lamid ah meel uga dhacay sharafta Nabi Maxamed [NNKH] ayaa waddankiisa waxaa ka dhacay weeraro  culus oo lagu beegsaday Baadari Kaniisad iyo dadweynaha, waxaana la xaqiijiyey geerida in ka badan shan ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM