Booliska oo Gurigiisa kala baxay Macallin Jaamacadeed

Image

CHINA - Booliiska dowladda Shiinaha ayaa jabiyey guriga macallin hawlgab ah oo ka tirsanaa Jaamacadda Shandong oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn ee ku yaalla dalkaasi.

Macallinkan ayaa dhaleecayn u jeedin jiray dowladda oo uu sheegay inay ku xad-gudubto xuquuqda aadanaha ee Shiinaha.

Xiliga guriga lagu jabiyey macallinku waxa wareysi khadka telefoonka ah oo toos ah kula jiray telefishanka VOA-da ee afka Mandarinka oo ah afka dalka Shiinaha lagaga hadlo.

Telefishanka ayaa isku dayey inay telefoonka gacanta iyo applicationka WeChat kula xiriiro, ka dib markii macallinka gurigiisa lagala baxay habeenkii xalay ahaa.

Macallinka oo lagu magacaabo Wenguang Sun oo ku nool magaalada Jinan ee gobolka Shandong ayaa telefoonadii lagala xiriirnay aan qabanin.

Hadaladii u dambeeyey ee Professorka laga maqlo ayaa ahaa “Aragtideyda anigaa xaq u leh, iyo tani waa xoriyadeyda hadalka.”

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM