​Boqolaal Somaali ah oo lagu xiray Yemen

Image

Boqolaal Qaxooti Somaali ah ayaa lagu xiray gobolka Hadramawt, ee koonfurta dalka Yemen, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Muhaajiriin aan diiwaan-gashnayn, islamarkaana si sharci darro ku joogay wadankaasi.

Saraakiisha Booliska Hadramawt, ayaa xaqiijiyay in dadkan laga soo qabtey gudaha gobolkaasi iyagoo kusii jeeda magaalo lagu magabaaco Brom Mayfa.

"Qaxootiga oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur waxay ahaayeen Muhaajiriin aan haysan kaararka Qaxootinimo, waxayna ahaayeen muhaajiriin si sharci darro ah uga soo galay dalka Yemen," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska Hadramawt.

Qaxootigan ayaa markii loa qabtey kadib waxaa la geeyay Xero Qaxooti oo ay ku jiraan Muhaajiriinta Africa, oo ku taalla gobolka Shabwa, oo ay maamusho dowladda taagta daran, ee Madaxweyne Cabdul Rabu Mansuur Haadi.

Talaadadii lasoo dhaafay, Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa shaacisay in 133 qaxooti Soomaali ah ay iskooda ugu laabteen dalkoodii hooyo, kadib markii ay arkeen inaysan kusii noolaan karin xaaladda colaadda ee ka taagan Yemen.

Bishii lasoo dhaafay, UNHCR waxay sheegtay in tiro muhaajiriin African ah ay galeen Yemen kuwaasi ka dhigay tirado qaxootiga dalkaasi gaare sanadkan 2017 (30,000 ) xilli wadankaasi uu ka socdo dagaallo billowday 2015.

Muhaajiriinta kasoo tahriiba Somaaliya iyo Ethiopia, ayaa ugu badan kuwa ku sugan dalka Yemen, kuwaasi oo iskuu dayay inay si sharci darro ah ku galaan dalka Sacuudiga, si ay shaqooyin uga helaan wadankaais qaniga ku ah shidaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM