Boqollaal qof oo ku dhimatay duufaanta ku dhufatay Haiti

Image

Waxaa soo baxaya muuqaalo musiibo ay ka muuqdaan, Kaddib laba maalmood markii gacanka Koofur Galbeed ee Haiti ay ku dhufatay duufaanta Hurricane.

Dowladda Haiti waxa ay sheegeysaa in tirade dhimashada hadda ay ku dhowdahay 300 oo qof. Hay'adaha gargaarka waxa ay sheegayaan in gacanka magaalada ugu weyn ee Jeremie, ay intabadan burburtay

Boqolkiiba 80 dhismayaasha ayaa burburay oo biyuhu qaadeen.

Dhanka Koofurta ee gobolka Sud, qiyaastii 30 kun oo guryo ayey dabeysha burburisay. Saraakiisha dalkaasi waxay sheegayaan in duufaanta ay dhaawac iyo dhibaato xun u geysatay Haiti. 

Daadadka waxay qaadeen buundooyiin, geedaha waaweyn ee buuraha dushooda ku yaallay, iyo guraha iyo beeraha.

Dhanka kale, Duufaanta hurricane waxay hadda u jiheysatay dhanka Bahamas iyo dhanka koofurta Bari ee Mareykanka.

Malaayiin qof oo ku nool afar gobo loo Mareykanka ah ayaa ka baxaya guryahooda kaddib digniino la soo saaray. Dadkan oo ka qaxaya dhanka xeebaha, waxay mashquul ka dhigeen jidadka waaweyn. Madaxweyne Obama waxa uu xaalad degdegga ah kaga dhawaaqay gobollada Florida iyo South Carolina. Waxaa sidoo kale la joojiyay shaqada dekadda North Carolina. Xarunta qaran ee Hurricane ee mareykanka waxa ay sheegeysaa in daadadka ay gaari karaan shan mitir biyo joogoodu dhan yahay oo hirar waaweyn sita.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM