Boqorka Sacuudiga oo Qaahira tagay

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA- Boqor  Salmaan Bin Cabdul Casiis-ka reer Sacuud ayaa manta 07-04-2016, wuxuu booqasho taariikhi ah ku tagay waddanka Masar gaar ahaan magalada Qaahira isago la kulmay madaxwenaha dalkaasi Abdel Fattah al-Sisi.

Salmaan, ayaa ugu horayn markii uu cago dhigtay madaarka Qaahira, waxaa loo sameeyay soo dhaweyn heerkeedu sareeyo iyadoo taasi lagu sifeeyay taageerada boqortooyada sucudigu u haysto xukuumadda Sisi.

Soo dhaweyn kadib labada mas’uul ayaa kulan qaatay, waxayna kawada hadleen arrimo badan oo maalgashigu ugu horeeyo iyadoo la filayo in barri oo Jimce ah kala saxiixdaan 14 hishiis qiimahiisu ku kacayo adduun lacageed oo dhan 1.5 Milyan lacagta Sacuudiga.

Sacuudiga, ayaa la filayaa inuu dalkaasi ka sameeyo maalgashi gaar ahaan gacanka Sinai.

Boqorka oo safarkiisu qaadan doono Shan bari ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona Barlamanka Masar isago sidoo kale kulamo la qaadan doona hogaamiyaha waddankaasi.

Safarkan ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah oo cadaynaya xiriirka ka dhaxeeya labada hogaamiye, waxaana dalka Masar xiriir dhaw la leedahay xukuumadda Riyad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM