​Boqorkii Thailand oo geeriyooday

Image

Boqortooyada waddanka Thailand ayaa shaacisay inuu geeriyooday Bhumibol Adulyadej oo aha a Boqorkii dalkaas kasoo arriminayay mudada dheeer.

Bhumibol Adulyadej, ayaa ku geeriyooday da'da 88 sano, wuxuuna u dhintay xanuun hayay muddo sanooyin ah.

Wuxuu ahaa ninkii ugu xukunka dheeraa ee dalkaasi soo maray, wuxuuna talada Boqortooyada la wareegay 1946-dii.

Dadka reer Thailand, ayaa hogaamiyahan aad uga dambeeyay, waxayna u arkayeen inuu mideeyay shucuubta ku dhaqan dalkaas.

Waxaa jirta cabsi ah in dhimashadiisa waddankan oo milatari ka taliyo u keento deganaansho la'aan.

Boqortooyada ayaa Axaddii ka digtay in caafimaadka ninka oo u muuqatay mid aan wanaagsanayn, waxaana boqolaal qof isugu soo baxday cisbitaalka lagu daweynayay boqorka.

Sharciyo adag ayaa u yaalla dalka Thailand, sharciyadaasi oo mamnuuc ka dhigayo in dadweynaha ay ka hadlaan cidiii badali lahayd boqorka geeriyooday.

Boqor Bhumibol, oo ku dhashay gobolka Massachusetts ee dalka Mraykanka ayaa boqortooyada wuxuu la wareegay, 9 June 1946 ka dib markii walaalkii boqor Ananda Mahidol, uu dhintay.

Dhimashada boqorka ayaa timid iaydoo dalkaasi uu wali ku jira xukun milatari oo yimid ka dib agfembigii dhacay sanaddii 2014-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM