Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo qaaday xayiraaddii la saaray Cumrada

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Dad aad u tiro yar, oo kooban oo ku lebisan dharka cadcad ee astaanta u ah xujeyda muslimiinta ayaa Axadda maanta ah ku dawaafay goobta ugu barakeysan Islaamka ee Mecca ka dib markii Sacuudi Carabiya ay ka qaadday xayiraadaha loo soo rogay xakameynta coronavirus ee muddo bilo ah socday.

Boqortooyada ayaa horaantii bishii March qaadatay talaabada dhifka ah ee ay ku joojisay gudashada “Cumrada" kaasi oo sanadkiiba ay malaayiin Muslimiin ah uga yimaadaan dunida oo dhan.

Iyadoo wadamo badan ay haatan bilaabeen in ay khafiifiyaan xayiraadahaas, dowladda Sucuudiga ayaa Axadda maanta ah bilowday in ay u oggolaato ugu badnaan 6,000 oo xujey ah maalin kasta in ay galaan Masaajidka weyn ee Maka. Kaliya muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka deggan dalkaasi ayaa loo oggolaan doonaa in ay galaan masjidka inta lagu guda jiro wajigan koowaad ee dib u furista, qof walbana wuxuu heystaa ilaa seddex saacadood oo uu ku soo gudanayo cumrada.

TV-ga dowladda ayaa Axaddii soo bandhigay wax u muuqday dad ka yar 50 qof oo ku dawaafaya Kacbada islamar ahaantaana kala fog dhowr mitir. Caadi ahaan, masaajidka ayay buuxdhaafiyaan xujeyda kakala yimid dunida oo dhan oo aad isugu dhow maalin iyo habeen kasta xilliga gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.

Wajiga labaad ee dabcinta xayiraadaha Masjidka weyn ayaa dhaqan galayaa 18- October, taasi oo u oggolaanaysa ugu badnaan 15,000 oo xujey ah iyo 40,000 oo qof oo ku tukaneysa kuwaasi oo ka imanaya gudaha Sacuudiga iyadoo lagu saleynayo waqtiyada loogu talagalay oo laga dalban karo app- arrimahan loo sameeyey.

VOA

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM