Boqortooyadda Sacuudi Carabiya oo hakisay ciqaabta Karbaashka

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa hakineysa ciqaabta karbaashka, sidda lagu shaaciyey war-saxaafadeed  kasoo baxay Maxkamadda ugu sareysa waddankaas.

Go'aankan uu soo saarey guddiga sarre ee Maxkamadda ayaa ku dhaqan-galaya bishaan April. Ciqaabta la joojiyey waxaa lagu bedeli doonaa xukun xabsi, ganaax lacag ama isku darkooda.

"Talaabadan oo dheeri ku ah dib-u-habeynta Xuquuqul Insaanka oo uu soo saarey boqor Salman iyo hagitaanka ee dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan," ayay raaciyeen qoraalada.

Ciqaabta karbaashka ayaa xukun u ahaa dambiyo kala duwan oo lagu tilmaamay kuwa sahlan ama fudud gudaha Sacuudiga.

Dambiyadaas waxaa kamid ah; dadweynaha oo lagu dhex-isticmaalo maandooriye, xadgudubka jinsiga iyo Zinada ama isu tagga ragga iyo dumarka ee aan shareecada waafaqsaneyn.

Hay'addo u dooda xuquuqda bini'aadamka ayaa horey u cambaareeyay ciqaabta karbaashka, iyagoo dalbadey in lagu bedelo xukuno cabsi ah, taladaas oo ay haatan muuqato in la tixgeliyey.

Wallow ay jiraan eedeymo dhankiisa loo jeedinayo, tan iyo markii uu dhaxal-sugaha noqdey wiilka awooda badan ee boqorka Sacuudiga, Salman wuxuu dooriyey dhaqanka dalkaas Carbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM