Boris oo ka baaqdey socdaal uu ku tegi lahaa India

Image

LONDON, UK – Raii'sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalka Hindiya kaasoo loo qorsheeyay dabayaaqada bishan, isaga oo ku sababeeyay baahida loo qabo in kormeer lagu sameeyo iyo ka jawaabida sidda Covid-19 ugu faafayo gudaha Boqortooyada Ingiriiska.

Johnson wuxuu ku wargaliyay dhigiisa India Narendra Modi isbadalka socdaalkiisa Talaadada taasoo timid maalin kadib markii Ingiriiska looga dhawaaqay bandow ka dhaqan-galay guud ahaan dalka.

"Iyadoo la tixraacayo bandowga heer qaran ee xalay la shaaciyay, iyo xawaaraha uu ku socda noocyada cusub ee Coronavirus-ka ah, ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu sii joogo UK si uu diirada u saaro wax ka qabashadda cudurka ee gudaha dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu awood u yeesho inuu booqdo Hindiya horaanta 2021, iyo ka hor Shirka G7 ee Boqortooyada Ingiriiska oo uu ra'iisul wasaare Modi ku imaan doono martiqaad rasmi ah".

Bishii la soo dhaafay, dowladdu waxay ku dhawaaqday Johnson inuu doonayo inuu booqdo Hindiya; safarkaas oo qayb ka ah dadaallada lagu dedejinayo wadahadallada ganacsiga, maadaama UK ay raadineyso heshiisyo cusub oo laba geesood ah ka dib markii ay ka baxday Midowga Yurub.

Balse, sare u kaca kiisaska Coronavirus iyo faafitaanka deg-deg ah ee nooca cusub ayaa sabab u noqdey in wax kasta oo qorsheysanaa kahor uu isbedel ku yimaado oo ay kamid tahay shaqooyinkii dowladda.

Khudbad telefishanka laga sii daayay Isniintii, Johnson wuxuu kaga digay UK inay ku jirto "waqti xasaasi ah", iyadoo kiisasku si aad ah ugu sii kordhayaan meel kasta oo dalka ka mid ah.

Boqortooyadda Ingiriiska ayaa illaa haatan waxay diiwaan-gelisay in ka badan todoba milyan oo kiisas oo ah Covid-19. Dhimashadda waxay ka badan tahay 76-kun. Soo kabashadda waxaa la odorasayaa in ay kor-u-dhaafeyso laba milyan. Balse, dadweynaha waxaa lagu booriyey in ay xoojiyaan taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM