​Brazil: Cudurka Zika oo halistiisa laga digay

Image

Baaq xoogan ayay soo saareen kooxaha caafimaadka dalka Brazil, waxayna ka digeen halista cudurka Zika, kaasi oo si xawli ah ugu faafaya guud ahaan waddankaasi.

Waxaa lagu baaqay in la joojiyo cayaaraha Olombikada dalkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inuu sii fido cudurkan kaneecada ka dhasha.

Magaalada caasimadda ah ee Rio De Jinerio, ayaa kooxaha caafimaadku ku baaqeen in laga wareejiyo tartanka lagu qabanayo.

Balse, arrintan waxaa ka hadlay guddiga cayaaraha waddanka Brazil, waxayna ku gacan sayreen baaqa loo soo jeediyay iyagoo xusay inay macquul ahayn baajinta tartanka Olombikada.

Baaqan, ayaa kusoo beegmay xilli si aad ah ugu faafay dalkaasi cudurka Zika oo Virus ka dhasha kanecada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM