Brazil: dibadbaxyo looga soo horjeedo musuq maasuqa oo weli socda

Image

April 13, 2015 (GO)- Boqollaal kun oo qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka Barazil.

Dibadbaxeyaasha oo ku lebisan dhar midabkoodu jaalle iyo cagaar yahay waxay dalbanayaan in Madaxweyne Dilma Rousseff xafiiska baneyso maadama -sida ay ku doodayaan- ay ku fashilantey wax ka qabashada hoos u dhaca dhaqaalaha, shaqo la'aanta iyo musuq maasuqa.

Dadka ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya hal ku dhigyo liddi ku ah xisbiga shaqaalaha (PT) oo labo iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey siyaasadda Brazil hoggaanka u hayey. Brazil ayaa kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha fiican dalalka soo koraya balse heerka shaqo la'aanta ayaa aad u sarreeya.

Adduun lacageed oo gaaraya 3.8 bilyan oo doolar ayaa la musuq maasuqey dhowrkii sano ee ugu dambeeyey. Lacagtaas badankeedana waxaa la rumeysan yahay inay jeebka ku shubteen mas'uuliyiin magac leh oo ka tirsan dowladda Dilma Roussef ay hoggaamiso.

Rousseff oo mar labaad sanadkii hore ee 2014 dib loo doortey waxay dalka Brazil madaxweyne kasoo ahayd laga soo bilaabo sanadkii 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM