Britain oo ku dhawaaqday wasiiro qaabilsan qaxootiga

Image

14 September, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa booqday xero qaxooti ku taalla dalka Lebnon.

Qorshaha Cameron ee dalkaasi ayaa salka ku haya indha-indheynta xaaladda malaayiin qaxooti ku sugan dalkaasi.

Britain ayaa bixisay in kabadan hal iyo bar bilyan oo dollar si loo caawiyo muhaajiriinta Suuriya ee ka soo qaxaya colaadda ka taagan waddankaasi.

Lacagta waxaa loogu tala galay sidii loo hakin lahaa xaddiga barakacayaasha imaanaya qaaradda Yurub, waxaa David Cameroon ku dhawaaqay wasiiro cusub oo qaabilsanaan doona qaxootiga.

Mr Cameron oo ka hadlayay xerada Bekaa Valley  oo ay ku jiraan qaxooti Suuriyaan ah, waxa uu sheegay in lacagta Britishku badbaadisay boqolaal kun oo reer Suuriya ah, kuwaasi oo u haajiri lahaa Qaaradda Yurub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM