UK oo soo saareysa xeerar lagu xakameynayo safarka dhallinyarada

Image

March 9, 2015 (GO)- Dowladda Britain ayaa qorsheynaysa inay soo saarto xeerar cusub oo lagu xakameynayo dadka dhallinyarada u badan ee ka tegeya dalka Britain, si ay ugu  biiraan kooxaha xagjirka ah gaar ahaan ururka Daacsih (IS) ee fadhigiisu yahay dalalka Iraq iyo Syria.

James Brokenshire oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Britain ayaa warkan sheegay isagoo xusey in qorshahan cusubi sahlayo in si fudud loola socdo dhaq dhaqaaqa dhallinayarada jihaad doonka ah ee ka tegeysa Britain.

"xeerkan muhiimka ahi wuxuu xakameynayaa awoodda dadku u heli karaan inay dibadda u safraan si ay uga garab dagaalamaan Daacsih kadibna dib usoo laabtaan" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey " xeerkani wuxuu sidoo kale kordhinayaa awoodda aan u leenahay inaan la socono kana hortagno ficillada kuwa wax u dhimi kara ammaanka"

Sharcigan ayaa haddii uu dhaqan galo wuxuu cadaadis ku saarayaa shirkadaha duulimaadka inaysan qaadi karin shaqsiyaadka laga shekiyo kuwaasoo qaab electronic ahaan ah xogtooda loogu gudbin doono.

In ka badan lix boqol oo qof oo ka tegey dalka Britain ayaa la rumeysan yahay inay ka barbar dagaalamaan kooxda IS, dadkaas waxaa kamid ah ninka Daacish u qaabilsan gowraca dadka oo lagu magacaabo Jihadi John.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM