Cabasho laga gudbinayo Cabdiweli Muudey [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cabasho ka dhan ah Ku xigeenka Afhayeenka koowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey ay u gudbin doonan gudoonka Aqalka Hoose.

Xildhibaanada ayaa tibaaxay in ashtakooda ay salka ku hayso “in Muudey aanu Sharci-dejiyaashi u ogolaanin inay cabiraan oraahdooda marka uu isaga hayo shir gudoonka, oo ay shalay ugu dambeysay”.

“Muudey wuxuu sameeyay falal xeerka Gollaha baalmarsan….Wuxuu umeelyaa meel uu isaga iska leeyahay oo uu fekerkiisaku ku maamulayo, taasina ma shaqayneyso, Gudoomiyaha ayaan cabasho uga gudbin doonaa,” ayay ku doodeen.

Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble oo kamid ah sharci-dejiyaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isbedal ku yimaado hab-dhaqanka shir gudoominta Muudey oo ay si adag u dhaleeceeyeen.

Afhayeenka Aqalka Hoose ee Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa dalka ka maqan xili la rajaynayo inuu kusoo laabto maalaha soo socda, markaasi oo uu shaqada guda geli doono kadib nasiino.

Muudey oo aad cilqaad dhow la leh Villa Somalia ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka bishii Janaayo ee sanadkii 2017-dii, kadib doorasho ay ku loolameen Murashaxiin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Farriimo Is Khilaafsan Diray, Shaki Ka Taagan Wadahadallada Islamabad 

Isniintii, Trump ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya inuu cadaadis kala kulmayo si uu heshiis ula gaaro Iiraan.

  • Caalamka

    21-04-2026

  • 08:31AM

Maxkamadeynta Netanyahu oo mar kale dib loo dhigay sababo amni awgood

Netanyahu ayaa horay u diiday dhammaan eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo salka ku haya ujeeddooyin siyaasadeed.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 12:26PM