Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay dileen Cali Cabdalla Saalax

Image

SANCA, Yemen - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay dileen Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, maalin kadib markii uu ku dhawaaqay inuu wadahadal la furayo Xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu xaqiijiyay dilka Cali Cabdalla Saalax, isagoo hogaaminayay ciidamado ka dagaalamaya magalaada Sanca.

Muuqaal ay baahiyeen Xuutiyiinta ayaa lagu soo bandhigay meydka nin ay sheegeen inuu yahay Cali Cabdalla Saalax oo madaxiisu ka muuqdaan dhaawacyada rasaastii lagu dilay.

Ma jirto illo madaxbanaan oo xaqiijinayo geerida Cali Cabdalla Saalax, balse war goorhore uu soo saaray Xisbiga Madaxweynaha ayaa lagu beeniyay warkan ay baahiyeen Xuutiyiinta Yemen.

Cali Cabdalla Saalax ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray xoogag Xuutiyiinta gudaha magaalada Sanca, ee caasimadda dalka Yemen, isagoo taageero ka heliya ciidamada Khaliijka carabta.

Warar ayaa sheegay madaxii amaanka Cali Cabdalla Saalax Hussein al-Hamidi, sidoo kale lagu dilay dagaalka.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa awoodooda isagu geeyay magaalada Sanca, waxayna hareereyn ku hayeen guriga Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ee ku yaalla Koonfurta magaalada Sanca, oo 200 oo mitir u jireen.

Cali Cabdalla wuxuu ahaa 75 sano jir, wuxuuna dalkaasi uu Madaxweyne kasoo ahaa 22 May 1990 – 25 February 2012, oo xilka isaga dagay kadib markii shacabka ay kasoo horjeesteen xilligii uu socday dibadbaxyadii Guga carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha India oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iran

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale ku celiyay in dalkiisu ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

  • Caalamka

    12-03-2026

  • 08:48PM

Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan Oo Fariin U Diray Dalalka Gobolka

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in xiritaanka Marinka Hormuz uu weli ahaan….

  • Caalamka

    12-03-2026

  • 02:52PM