Canshuurtii Trump ee China oo dhaqan gashay

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay in ka badan 800 oo ah badaceedo ay China soo saarto, oo dalkiisa loo iib geeyo.

Canshuurtan ayaa dhaqan gashay jimcihii, markii saacadda ay hal daqiiqo dhaaftay 12-kii aroornimo, xilliga Washington.

Beijing ayaa ka digtay inay si xooggan uga aargudan doonto canshuurtan la saaray alaabha ay sameyso, oo gaareysa 34 bilyan oo dollar.

Afhayeenka wasaaradda ganacsiga China, Gao Feng ayaa weriyayaasha u sheegay khamiistii in China aysan ridi doonin xabadda koowaad, hase yeeshee aysan u furnaan doonin wax aan ka ahayn inay difaacdo danta China iyo dadkeeda.

Gao waxa uu sheegay in China aysan madaxa hoorsan doonin, oo aysan aqbali doonin in loo hanjabo oo la rakaateeyo.

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in 450 bilyan oo dollar oo canshuur dheeri ah uu saari doono badeecadaha China, haddii Beijing ay ka dhabeyso ballanqaadkeeda ah inay canshuurto alaabta Mareykanka uu sameeyo.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM