Carruurta oo looga digay Isticmaalka Internetka

Image

Hay'adda dhallaanka adduunka ee UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da'yarta looga ilaalinayo waxyeelada internetka.

Hay'ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin walba in ka badan 170,000 oo carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday carruurta isticmaasha barahawax lagu qoro.

Hay'adda carruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da'da dadka isticmaala internetka.

Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu ay heerka ugu sareeya gaarsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee carruurta.

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM