Caruurta Qaliinka ku dhasha oo la kulma Dhibaato dhanka Maskaxda [Daraasad]

Image

Curuurta ay dhalaan Hooyooyinka da’doodu ka sareyso 35-sano ama lagu dhaliyo Qaliinka waxay halis ugu jiraan dhibaatooyinka dhanka maskaxda ah ama inay noqdaan kuwa uusan Lixaad-koodu dhameystirneyn, sida lagu sheegay Daraasad cusub.

Cilmi-baarista oo laga sameeyay dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday inuu jiro sare u kac carruurta curyaanimada ilmaha ku dhashay qaliinka.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu soo helay in 97 caruur oo uusan dhameen Lixaad-kooda ay ku dhasheen markii Hooyin-kooda qaliin lagu sameeyay, taasoo ka badan inta kale ee Hooyooyinka ku dhalaan sida caadiga ah.

“Waa jirta saami ka badan curuurta lixaadkooda dhameen oo ah marka ay soo Koriso Hal Hooyo taasoo ka badan kuwa ay soo Koriyeen labada waalid,” ayey tiri Darasadaan oo lagu daabacay Joornaalka Cilmi-baarista Naasnuujinta Caalamiga ah.

Daraasadaan oo la sameeyay intii u dhaxeysay Maarso iyo June ee sanadkii hore ayaa sidoo kale tilmaamaysa in tirada Haweenka ee da'doodu ay tahay mid udub dhaxaad u ah arinkan, iyadoo Gabdhuhu yihiin kuwa ka badan Raga.

Tani macnaheedu waxay tahay in curuurta ku dhalatay Qaliinka iyagoo Lixaadkoodu uusan dhamayn ay 62% yihiin Wiilal, taasoo ka sarey-siinaysa Gabdhaha.

Daraasada oo uu hogaaminayey Mathieu Nemerimana, ayaa lagu baaray sababaha aan hiddeside ahayn ee u horseedi kara dib u dhaca dhanka maskaxda ah oo carruurta ku timaada.

Kooxda Cilmi-baarista sameysay ayaa, si kastaba waxay daboolka ka qaadeen in natiijooyinka baaritaankooda aysan aheyn mid la isku halleyn karo islamarkaana u baahan baaritaan dheeraad ah, si loo xaqiijiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM