China oo $60 billion ugu deeqay Africa

Image

BEIJING - Madaxwaynaha China, Xi Jinping ayaa shaaciyay in dalkiisa uu 60 billion oo dollar ugu deeqay dalalka ku yaalla Qaaradda Africa, xilli maanta magaalada Beijing uu ka furmay Shirka madasha Iskaashiga Africa iyo China.

Xi, oo khudbada ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa sidoo kale daboolka ka qaadey in China ay ka cafinayso deymaha dalalka saboolka ah ee Africa, islamarkaana ay qaaradda ka fulin doonto 50 mashruuc.

Waxa uu sidoo kale balan-qaadey Madaxweynaha China in dowladdiisa ay sameynayn doonto sanduuq loogu tala-galay in lagu taageero nabadda iyo amaanka Africa, iyadoo taageero military u fidin doonta dalalka u baahan.

Shirka Iskaashiga China iyo Qaaradda Afrika oo ay kasoo qayb galeen inta badan hogaamiyaasha Afrika ayaa socon doona labo maalmood, waxaana Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Xi Jinping oo maalmo kahor mar uu la kulmay Farmaajo u sheegay in China ay diyaar u tahay maalgashi inay ku sameyso Soomaaliya, balse laga doonayo in marka hore uu nabadeeyo dalka, oo qeybo kamid ah Kooxda Al-Shabaab maamusho.

Taageeradda maaliyadeed ee uu China siinayo Africa ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu ku kasbanayo kalsoonida dowladaha dalalka ku yaalla qaaradda iyo shacabkooda, maadaama uu tartan kula jiro Mareykanka iyo wadamo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM