China oo $60 billion ugu deeqay Africa

Image

BEIJING - Madaxwaynaha China, Xi Jinping ayaa shaaciyay in dalkiisa uu 60 billion oo dollar ugu deeqay dalalka ku yaalla Qaaradda Africa, xilli maanta magaalada Beijing uu ka furmay Shirka madasha Iskaashiga Africa iyo China.

Xi, oo khudbada ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa sidoo kale daboolka ka qaadey in China ay ka cafinayso deymaha dalalka saboolka ah ee Africa, islamarkaana ay qaaradda ka fulin doonto 50 mashruuc.

Waxa uu sidoo kale balan-qaadey Madaxweynaha China in dowladdiisa ay sameynayn doonto sanduuq loogu tala-galay in lagu taageero nabadda iyo amaanka Africa, iyadoo taageero military u fidin doonta dalalka u baahan.

Shirka Iskaashiga China iyo Qaaradda Afrika oo ay kasoo qayb galeen inta badan hogaamiyaasha Afrika ayaa socon doona labo maalmood, waxaana Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Xi Jinping oo maalmo kahor mar uu la kulmay Farmaajo u sheegay in China ay diyaar u tahay maalgashi inay ku sameyso Soomaaliya, balse laga doonayo in marka hore uu nabadeeyo dalka, oo qeybo kamid ah Kooxda Al-Shabaab maamusho.

Taageeradda maaliyadeed ee uu China siinayo Africa ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu ku kasbanayo kalsoonida dowladaha dalalka ku yaalla qaaradda iyo shacabkooda, maadaama uu tartan kula jiro Mareykanka iyo wadamo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM