China oo cunaqabateyn saartey mas'uuliyiin Mareykan ah

Image

BEIJING, China – Shiinaha oo cunaqabateyn kusoo rogay 28 shaqsi oo Ameerikaan ah oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay "ficilo waali ah oo ay ku farageliyeen arrimaha gudaha dalka China".

War-saxaafadeedka kasoo baxay Waaxda arrimaha dibada China ayaa yimid xilli Joe Biden loo dhaariyey Arbacadii in uu noqdo madaxweynaha Mareykanka taas oo soo afjartay waayihii Donald Trump oo xiriirka labada dal xumaadey.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, dadka xayiraadda lagu soo rogay waxaa kamid ah Peter Navarro, lataliyahihii hore ee arimaha ganacsiga Trump, lataliyihii amniga Qaranka, Robert O’Brien, kaaliyihii arrimaha Bariga Asia iyo Pacific-ga, David Stilwell, wasiirka caafimaadka, Alex Azar, iyo ergayga UN-ka, Kelly Craft.

Beijing ayaa sidoo kale waxay xayiraad kusoo rogtay John Bolton, lataliyihii hore ee amniga qaranka Trump, iyo Stephen Bannon, oo lataliyeyaasha ku jiray.

Wasaaradda ayaa sheegay in muwaadiniinta Ameerikaanka ee la cunaqabateeyay "ay ku sifoobeen dano siyaasadeed oo shaqsi ah, cadaalad daro iyo naceyb ka dhan ah Shiinaha iskana indha-tireen danaha shacbiga China iyo Mareykanka".

"Shaqsiyaadkan iyo xubnaha qoyskooda waxaa mamnuuc ka ah in ay soo galaan dhulka Shiinaha, Hong Kong iyo Macao. Ayaga iyo shirkadahooda si lamid ah hay'adaha gacansaarka la leh waa ka mamnuuc in ay la ganacsadaan Chinaha," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka oo saxaafadda lala wadaagay.

Bolton oo hadda lataliyaha dhanka amniga qaranka u ah Biden ayaa waxyar kadib dhawaqa Shiinaha qoraal uu kusoo daabacay boggiisa Twitter-ka ku cambaareeyay talaabaddaas, wuxuuna ku sifeeyay "mid aan waxtar lahayn".

Shiinaha iyo Mareykanka oo cilaaqaadkooda uu afartii sano ee lasoo dhaafay gaarey meeshii ugu hooseysay iskuna haya qadiyado ay kamid tahay hogaaminta aduunka ayaa la saadaalin karin isbedelka ku dhici kara sanadaha soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM