​China: Xoog baan kusoo furanay Muwaadiniinteena

Image

Wasaarada Arrimaha Dibadda China, ayaa beenisay in Lacag madax-furasho ah lagu sii daayay Muwaadniinteeda lagu haystay gudaha dalka Somalia tan iyo 2012.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaraddaasi, ayaa lagu sheegay in Sabtidii ay soo furteen 26 Qof oo la haystayaal u ahaa Burcad-badeed Soomaali ah muddo ka badan 4 sano.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda China, Hua Chunying,  ayaa xustay in 10 kamid ah Dadka lasoo badbaadiyay ay u dhasheen dalka China, halka 2 ay kasoo jeedaan Taiwan.

Bile Xuseen oo katirsan Burcad-badeeda ayaa sheegay inay 1.5 Million oo Dollar ka qaateen dowladaha ay u  dhasheen 26 Qof ee ay haysteen tan iyo Bishii Maarso, 2012.

Badmaaxayaashaa,  ayaa markii hore ahaa Tiro ahaan 29 qof, waxaana ay la socdeen Markab kalluumaysi oo lagu magacaabo FV Naham 3, kaasi oo laga leeyahay dalka Taiwan.

Mid kamid ah ayaa ku dhintay Weerarka lagu afduubay Markabka FV Naham 3, halka labo kale ay ku dhinteen gacanta burcadda intii lagu hayay Somalia.

Waxay u kala dhasheen Badmaaxiintaasi dalalka Vietnam, Taiwan, Cambodia, Indonesia, China iyo Philippine.

Xigasho: AP

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM