​China: Xoog baan kusoo furanay Muwaadiniinteena

Image

Wasaarada Arrimaha Dibadda China, ayaa beenisay in Lacag madax-furasho ah lagu sii daayay Muwaadniinteeda lagu haystay gudaha dalka Somalia tan iyo 2012.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaraddaasi, ayaa lagu sheegay in Sabtidii ay soo furteen 26 Qof oo la haystayaal u ahaa Burcad-badeed Soomaali ah muddo ka badan 4 sano.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda China, Hua Chunying,  ayaa xustay in 10 kamid ah Dadka lasoo badbaadiyay ay u dhasheen dalka China, halka 2 ay kasoo jeedaan Taiwan.

Bile Xuseen oo katirsan Burcad-badeeda ayaa sheegay inay 1.5 Million oo Dollar ka qaateen dowladaha ay u  dhasheen 26 Qof ee ay haysteen tan iyo Bishii Maarso, 2012.

Badmaaxayaashaa,  ayaa markii hore ahaa Tiro ahaan 29 qof, waxaana ay la socdeen Markab kalluumaysi oo lagu magacaabo FV Naham 3, kaasi oo laga leeyahay dalka Taiwan.

Mid kamid ah ayaa ku dhintay Weerarka lagu afduubay Markabka FV Naham 3, halka labo kale ay ku dhinteen gacanta burcadda intii lagu hayay Somalia.

Waxay u kala dhasheen Badmaaxiintaasi dalalka Vietnam, Taiwan, Cambodia, Indonesia, China iyo Philippine.

Xigasho: AP

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM