​Ciidamada Ciraaq oo kaabiga ku haya magaalada Mosul

Image

Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay ku qarka u saaranyihiin la wareegista magaalada labaad ee ugu wayn waddankaas ee Mosul, kadib dagaal xoog leh oo kala kulmeen mallayshiyada isku magacowday khilaafadda Islaamiga ah ee ISIL.

Wararku, waxay sheegayaan in daafaha magaalada joogaan ciidamada sida gaarka ah u tabobaran iyagoo taageero ka helaya xulafada Maraykanku hogaaminayo oo dusha ka duqaynaya saldhigyada Daacish ee magaaladaas.

Dagaalyahannada ururkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidanka Ciraaq ku weerarrayaan gantaallada garabka laga gano, hoobiyayaal, hubka fudud iyo gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Goor sii horeysayna, ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Xayder Al-Cabaadi, oo ku labisan dareeska ciidankiisa, aa ugu baaqay xooggaga dowladda Islaamiga in ay isa soo dhiibaan ama ay dhintaan.

Asaga oo ka hadlayay saldhig ciidanka cirka ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq, ayaa Mr Al-Cabaadi waxa uu sheegay in duulaanka ay horkacayaan ciidanka dalkiisa uu dhinac waliba uga wahajan yahay Mosul, isla markaana madaxa looga jari doono wax uu ku tilmaamay maska.

Dagalkan, ayaa bilowday dabayaaqadii bishii hore, waxaana Mosul isaga qaxay shacabkii halkaas ku dhaqnaa marka laga yimaado tiro yar oo khasab ku haystaan mallayshiyada Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM