​Ciidamada Ethiopia oo galay Suudaanta Koonfureed

Image

Ciidamada Milateriga dalka Ethiopia ayaa galay deegaano katirsan dalka Suudaanta Koonfureed, waxayna isku hareeyeen xaafado la sheegay in lagu hayo carruur la afduubtay, sida aan ka soo xiganay warar kasoo baxay saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa.

Weerar Jimcihii lasoo dhaafay dhacay, ayaa lagu dilay ku dhawaad 200 qof, halka carruur 100 ku dhow lagu afduubtay.

Baba Medo oo ah guddoomiyaha gobolka Boma oo dagaalyahannada Murle ay ku nool yihiin, ayaa kooxda Cobra oo ah maleeshiyo hore oo deegaanka ku sugan ku eedeeyey weerarka, inkatoo nin u hadlay oo lagu magacaabo David Yau Yau uu sheegay inaysan kooxdiisu falkaasi ku lug lahayn.

Ilaa hadda macadda kooxda gaysatay falkaasi, balse waxaa muran ka jirin in qowmiyadda Murle weerar ka dambaysay.

Suudaanta Koonfureed, ayaa dhankeeda sheegtay inay la shaqaynayso ciidamada Militeriga dalka Ethiopia, waxayna cadaysay inaysan ku lug lahayn weerkii ka dhacay deegaanka cadka dhacay ee Gambella.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana falalkan lala xiriirinayaa mushkilado hore oo qowmiyadaha labada dal qaybtood ka dhex taagnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM